


http://www.gouv-exil.org/




Le
Général de Division (à titre temporaire)
M ALI ABDILLAHI
IFTIN
Commandant
le Mouvement Djiboutien
de Libération Nationale

02/12/04
- Golaha Wasiirrada Soomaaliya
oo lagu dhawaaqay.
Cabdiraxmaan Koronto
BBCSomali.Com 
Waxaa la magacaabay 27 wasiir waxaana dhiman afar kale
Ra'iisal
wasaaraha dowladda KMG ah ee Federaalka ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi,
ayaa maanta goobtii munaasabadda magacaabista dowladdiisa ka sheegay in wasiirradiisu
ay ka koobnaan doonaan 31 wasiir, laakin uu magacaabayo 27 ka mid ah, wuxuuna
sidaasi ku sheegay khudbad yar oo uu jeediyey ka hor intii aanan la guda-gelin
munaasabadda wasiirrada.
Cali
Maxamed Geeddi waxa uu sheegay in afar xubnood oo ka ah golihiisa wasiirrada uu
weli wada xaajood ula socdo oo aanu magacaabin, isagoo caddeeyey in afartaasi
xubnood aanay labo ka mid ahi xitaa ku sugnayn gudaha dalka Kenya oo ah halka
dowladda lagu dhisayo.
Intaasi
kaddib waxaa la guda galay magacaabistii iyo dhaarintii wasiirrada cusub, waxaana
munaasabaddaasi lagu dhaariyey 23 ka mid ah wasiirrada cusub.
Jawiga
iyo ka qeybgalka munaasabadda
Weriyeheenna
Cabdiraxmaan Koronto oo inooga soo warramayey goobta ay munaasabaddaasi magacaabista
wasiirrada dowladda cusub ka dhacaysay ayaa sheegay in jawiga goobta uu ahaa mid
wanaagsan, iyadoo ay munaasabaddaasi ka qeybgaleen madaxweynaha dalka Kenya, Mudi
Awori kaaso sheegay in magacaabista wasiirradan ay dhammaystir u tahay shirkii
muddada labada sano ah Soomaalida uga socday dalka Kenya, isagoo u hambalyeeyey
masuuliyiinta cusub una rajeeyey in ay ku guulaystaan shaqada loo xil-saaray.
Waxaa
sidoo kale goobjoog ka ahaa goobtaasi Ambassador Kiplagat oo dowladda Kenya u
qaabbilsanaa shirka Soomaalida, xildhibaannadii dowladda cusub iyo xubno kale
oo ka socday beesha caalamka.
Magacyada
oo kaamil ah ilaa inta hadda lagu dhawaaqay
1)
Wasiirka Arrimaha Dibedda C/laahi Sheekh Ismaaciil
2) Wasiirka Awqaafta iyo
arrimaha Diinta Cumar Maxamed Maxamuud (C Finish)
3) Wasiirka Batroolka iyo
Tamarta Yuusuf Axmed Maxamed
4) Wasiirka Beeraha Xassan Maxamed Nuur (shaatiguduud)
5)
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cali Axmed Jaamac (jangali)
6) Wasiirka
Caafimaadka Cabdicasiis Sheekh Yuusuf
7) Wasiirka Dalxiiska iyo ilaalinta Deegaanka
Maxamed Maxamuud Xayd
8) Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla
Isaaq Deeroow
9) Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Warsame Cali
10)
Wasaaradda Dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Jaamac Shire Hiiraale
11) Wasiirka
Gaashaandhigga CAbdiraxmaan Maxamuud Cali
12) Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo
dhulka Cali Ismaaciil CAbdi
13) Wasiika Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow
14)
Wasiirka Garsoorka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
15) Wasiirka Howlaha
guud iyo guriyaynta Cismaan Xassan Cali (caato)
16) Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta
Sare Xuseen Maxamuud Sh Xuseen
17) Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka
Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh
18) Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Ceelaabe
Faahiye
19) Wasiirka Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Maxamed
Bootaan
20) Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Maxamed Hurre Buubaa
21)
Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Xassan Abshir Faarax
22) Wasiirka
Maaliyadda Saalim Caliyoow Ibrow
23) Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
Cabdirisaaq Cismaan Xassan
24) Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Ibraahim Aadan
Xassan
25) Wasiirka Warfaafinta Cali Faqi
26) Wasiirka Warshadaha Cabdi
Maxamed Tarrax
27) Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble.
