


http://www.gouv-exil.org/




Le
Général de Division (à titre temporaire)
M ALI ABDILLAHI
IFTIN
Commandant
le Mouvement Djiboutien
de Libération Nationale

24/12/04
- SOMALIA - Baarlamaanka oo ansixiyey Cali M. Geedi.

Baarlamaanka
Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu maanta fadhi ku yeeshay xarunta Mbagathi
ee magaalada Nairobi.
Fadhigaasi
maanta waxaa ka qeybgalay xildhibaanno ka badan 250 xubnood, halkaasoo madaxweynaha
dowladda KMG ah ee federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, uu si rasmi
ah ugu gudbiyey ra'iisal wasaarihii uu dhowaan dib u soo magacaabay, Cali Maxamed
Geeddi, si sharci ahaan kalsooni looga helo baarlamaanka.
Iyadoo
la tix raacayo qodobka 49-aad ee Axdi Qarameedka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa waxa
uu baarlaamku si aqlabiyad ah ugu codeeyey ansixinta ra'iisal wasaaraha cusub.
Waxaa u cod bixisay ra'iisal wasaaraha cusub in ka badan 220 xildhibaan, iyadoo
ay lix kalena diideen, inta hartayna ay ka aamuseen.
Ansixinta
Guddoomiyaha
baarlamaanka, Sharif Xasan Sheekh Aadan, ayaa cod bixinta kaddib waxa uu si rasmi
ah ugu dhawaaqay in ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi aqlabiyad lagu ansixiyey,
sidaasi darteedna uu sharcigu farayo in uu dowladdiisa ku soo dhiso muddo bil
gudaheed ah.
Ra'iisal
wasaaraha cusub, Cali Maxamed Geeddi, ayaa markii la dhaariyey kaddib waxa uu
u mahadceliyey baarlamaanka iyo madaxweynaha fursadda ay siiyeen isla markaasna
wuxuu ballan qaaday in uu xukuumaddiisa ku soo dhisi doono nidaamka 4.5 ee wax
qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.
Digniin
Cali
Maxamed Geeddi waxa uu ka digay in aysan suurtogal ahayn in 275-ta xildhibaan
aanay kulligood ku biiri karin golaha wasiirrada, hase ahaatee loo baahan yahay
dadaal wadajir ah iyo wada tashi ballaaran in lagu wajaho hawlaha qaranka ee horyaalla
dowladda cusub.
Muddo
hadda laga joogo 12 maalmood ayaa waxaa ra'iisal wasaaraha cusub dib u magacaabay
madaxweynaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaddib markii golaha baarlamaanku uu aqlabiyad
weyn ku riday dowladdii uu soo dhisay ra'iisal wasaare geeddi.

Baarlamaanka
wuxuu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Cali Maxamed Geeddi
Xilligaasi waxa uu
baarlamaanku sheegay in uu cuskaday axdi qarameedka qodobbo ka mid ah oo la sheegay
in la baalmaray.
Le
parlement somalien a désigné Mohamed Ali GUEDI, comme premier ministre
.
226 voix pour
6
voix contre
24 voix
abstentions
